Posts

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Amb.Nicholas Kay oo ka xumaaday inay 2 dumar oo kaliya soo galaan Barlamaanka Puntland

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegey inuu aad uga xunyahay in Xildhibaanada cusub ee Puntland ay ku jiraan laba dumara oo qura.

Amb. Nicholas Kay ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu ka xun yahay in 2 kaliya oo dumar ah ka mid noqdaan barlamaanka Puntland,wuxuuna yiri

"Disappointing that Puntland´s 66 new MPs include apparently only 2 Women, UN in Somalia strongly supports women´s political particpation"

Nicholas Kay horey ayuu Isimada Puntland ula dardaarmey isagoo yiri "Waa in la xasuustaa doorka haweenka,",

wuxuuna ku dadaalay in Xildhibaanada cusub ee Puntland ay Haweenku ka helaan ugu yaran lix xildhibaan

BAARGAAL.NET
BAARGAL-SOMALIA
Developed by Jago Desain