Posts

FAO oo lacago Malaayiin ah sanadkaan ugu deeqeysa Soomaaliya

Wakiilka ururka cunada iyo beeraha ee FAO u qaabilsan Soomaaliya Luca Alinovi ayaa sheegay in lacag gaareysa 120 milyan oo ah dollarka Mareykanka ay sanadkaan 2014 ku bixin doonaan Soomaaliya.

Wakiilka ayaa xusay in lacagtaasi ay tahay mid Soomaalida ka taageeri doonta horumar ay ka sameeyaan dhinacyada kaluumeysiga , dhaqashada xoolaha iyo beera falashada.

Mar uu wareysi siiyay wakaalada wararka u baahisa dalka Shiinaha ee Xinua ayuu sheegay inay aad ugu dadaalayaan sidii loo heli lahaa soomaaliya oo ah wadan dhaqaale leh oo ka soo kabtay colaadaha sababay baahida dilootay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Luca Alinovi ayaa qiray in Soomaaliya ay ku jirto wadamada ugu xoolaha badan Qaarada Africa , wuxuuna tilmaamay in ugu badnaan 20 milyan oo neef oo ari iyo geel u badan ay dhaqdaan Soomaalida miiga ku nool.

Wadamada ku yaala gacanka carabta ayaa la tilmaamay in sanad kasta loo dhoofiyo 5 milyan oo ah xoola nool.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay kheryraad kale oo bad iyo beri iska ceegaaga kuwaas oo aysan ku manaafacaadsan badida shacabka Soomaaliyeed.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain