Posts

Golaha Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirada iyo qorshaha xukuumada ee 2014-2016

Golaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay xubnaha golaha Wasiirada ee uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxayna sidoo kale ansixiyeen qorshaha xukuumada ay ku shaqeyn doonto mudada 2014-2016.

Dooda Baarlamaanka oo bilaabatay saaka ayaa waxay soo idlaatay galabta abaara 6:00 maqribnimo ee saacada afrikada bari, waxaana doodan goob joog ka ahaa inta badan xubnaha golah Wasiirada iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xubnaha xildhibaanada ee fadhigan soo xaadiray oo ay tiradoodu dhameyd 233 ayaa ugu horeyntii waxaa khudbad dheer u jeediyay Ra'iisul Wasaaraha, taasoo ka tarjumeysay qorshaha xukuumada cusub iyo waxqbaadkeeda, waxaana intaasi kadib shir guddoonku ka codsadeen in codka kalsoonida ah loo qaado xukuumada cusub iyo qorshaheeda mudada saddexda sano, waxaana la guda galay dooda oo ay xubnaha Baarlamaanku aragtidooda ka dhiibteen mudanayaal tiradoodu gaareysay 92 xildhibaan, waxayna badankooda xuseen in ay ku qanceen qorshaha xukuumada iyo liiska golaha Wasiirada.

Gabagabadii xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kasoonida ah siiyay, waxaana ogolaaday xildhibaano tiradoodu gaareysay 186, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna sheegay in xukuumada iyo qorshaheedaba ay dhaqangal yihiin.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen golaha Xukuumada, wuxuuna xusay in wixii haatan ka dambeeya ay u howlgalayaan sidii dalka loo samatabixin lahaa.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain