Posts

Khilaaf xoogan oo soo dhexgalay saddexda golle ee dowladda Puntland

waxaa dib u dhac ku yimi dhaarintii gollaha wasiiradda xukuumada gaas inta ka joogta,hase yeeshee dib ayaa loo dhigay lamana sheegin xiliga ay dhici doonta dhaarinta wasiiradda cusub.

Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta qaar lagu daabacay ayaa sheegaya inay arintu salka ku hayso khilaaf xoogaystay oo soo dhexgalay Gollayaasha Garsoorka iyo Xeer Dajinta ( Barlamaanka), kaasaao ku aadan muran laga keenay 14 xildhibaan oo horay dacwad looga geeyay maxakamdda.

Wararka ayaa sheegaya Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Cabdiqaadir Cabdi Maxamuud inuu qoraal u diray afhayeenka Gollaha Wakiiladda Siciid Xasan Shire kaasoo uu kaga codsanayo inuu kasoo jawaabo dacwad laga keenay 14 xildhibaan oo maxkamadda sare lasoo gaarsiiyay.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa la sheegayaa inuu ku amray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland inuu dacwad kusoo oogo Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire oo sida la aamisan yahay ay isku dhaceen Gudoomiyaha maxkamadda sare,taasoo salka ku haysa dacwada xildhibaanada qaar laga keenay oo baarlamaanku uu si hufan uga soo jawaabi waayay.

khilaafkan ayaa dib u dhigay dhaarinta gollaha wasiiradda ee uu soo magacaabay Dr.Gaas,waxana laga cabsi qabaa inuu sii xoogaysto arrinta u dhaxaysa saddexda golle ee dowladda Puntland.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain