January 06, 2014

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maaanta xukun dil ah ku fulisay askari ciidanka xoogga dalka ka tirsan

Maxakamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed kaasi oo horey u dilay arday.

Sideeddii aroornimo ee saaka ayaa maxkamadda darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sida waxa ay dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida oo degmada Howlwadaag hore ugu dilay arday wax ka baranayay mid ka mid ah dugsiyada ku yaala Muqdisho.

Dilka maxkamadu saaka ku fulisay Ex- Dable Maslax Ciise Iimaan ayaa ka dhacay fagaaraha iskool Boliisiya, waxaana halkaasi ku sugnaa gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida,
saraakiil ka tirsan ciidamada, mas'uuliyiin kala duwan iyo dadweyne usoo daawasho tagay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay iney jiraan xukunno kale oo dil ah kuwaas oo maxkamaddu fulin doonto maalmaha soo socda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner