Posts

Nin magac ku helay Sac shan lugood leh oo uu dhaqanayay

Ninkaan waxaa lagumagacaabaa Raajuu, waxa uuna caanka noqday dalkiisa
India, sababta ow magaca ku helay ninkaan waxaa lagu sheegay in Sac
shan lugood leh oo u joogay uu lasoo baxay arin layaab leh. haweenka
ku nool tuulada uu deganyahay Raajuu ayaa aaminay in Sacaan uu
leeyahay awood sixir.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa lagu xusay in
haweeney afar gabdhood dhashay ay taabatay lugta shanaad ee Saca,
eyadoo kadibna dhashay labo Wiil oo Mataano ah, taas ayaa keentay in
haweenkeenkii Tuuladu ey u baraka doontaan Sacaan, waxaana qiimaha
lagu tuubto lugta shanaad ee Saca lagu sheegay 500-rubi.
Arinta cajiibka leh ayaa ah in haweeneydii taabata lugta Sacaan ee
dhasha gabar loo celinayo lacagteeda, waxaa la sheegay in tirada
haweenka ee Sacaan taabtay kadibna wiilal dhalay ay gaarayaan 33.

Raajuu iyo Saciisu waxey hada marayaan in warbaahinta caalamka lagu
soo qoro, eyagoo helay magac iyo nolo eysn horay u heysan.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain