SHABAKADA BAARGAAL.NET OO U SHARAXAYSA C/WALI MAXAMED CALI GAAS WADAXWAYNA PUNTLAND 5TA SANO EE SOO SOCOTA.

Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe waxaa maantay ay murashaxiintu ku soo bandhigeen barnaamajkooda waxqabad ay damacsanyihiin inay puntland ka hirgaliyaan 5 sano ee soo socota hadii la doorto.

Musharaxa madexweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la dhihi karaa waa murashaxa isbadelka dhabta ah ka hirgalin kara dhamaan degaanada puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in uu xooga saari doono arrimaha Amniga, Cashuuraha, Shaqaalaysiinta, Ciidmada, Dhaqaalaha, Burcad badeeda, Arrimaha Horumarinta Bulshad iyo Ganacsiga uu wax badan ka qaban doono.

shabakada baargaal.net waxay taageeraysaa ololaha murashax Madaxwayne Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ku doonaayo inuu isbadal ka sameeyo deegaanada puntland anagoo ugu baaqaysa xildhibaanada barlamaanka puntland inay dhagaystaan dhawaaqa qalbigooda una codeeyaan Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas madaxwaynaha soo socda ee puntland 2014-2018.

BAARGAAL.NET
WE NEED A REAL CHANGE
Developed by Jago Desain