Posts

Taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw-jaamac Cumar Ciise oo ku geeriyooday Jabuuti taariikhdiisa oo kooban

Allah ha u naxariistee taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw-jaamac Cumar Ciise ayaa xalay oo maqribnimadii waqtiga Geeska Afrika ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada Jabuuti,
Aw-jaamac Cumar Ciise ayaa u geeriyooday xanuun muddo sanad ah ku hay dalka Jabuuti halkaas oo uu deganaa, kuna noolaa mudooyinkan dambe,gaar ahaan intii dalka soomaaliya bur burka ku jiray ,waxaana uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay dhulka ay Soomaalidu degto ee geeska Afrika.

Aw-jaamac wuxuu ahaa qoraa iyo taariikh yahan caan ka ah geyiga Soomaalida, wuxuuna qoray buugaag tiro badan oo isugu jira luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga oo uu wax ku qori jiray ka hor intii aan la qorin Farta Soomaaliga,waxaana Aw Jaamac uu ku geeriyooday da'da 91-jir, Aw-Jaamac Cumar Ciise wuxuu dhashay sanadkii 1922-kii. Wuxuuna ku dhashay baadiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari halkaasoo aabihiina uu ku dhashay sida ay sheegeen dadka la socday taariikhdiisa Aw-jaamac wuxuu isagoo dhalinyaro ah tagay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka bilaabay waxbarasho dhinaca diinta ah, wuxuuna ka mid noqday xertii Sheekh Nuur Cali Colow oo Tafsiirka Quraanka iyo kutubta kale ee diinta ka akhrin jiray masaajido ku yaalla Muqdisho, sanadkii 1965-tii ayuu Aw Jaamac qoray buuggii ugu horeeyay oo ka hadlay taariikhda Soomaalida, waxaana buugaasi uu ahaa Af Carabi.

Waxaana lagu daabacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.inkastoo abwaan kale uu sheegay in Sanadkii 1954 ayuu bilaabay inuu wax ka qoro taariikhda iyo suugaanta Soomaalida, wuxuuna ka tegey buugaag badan oo dhaxal gal ah, kuwaas oo macluumaad badan uu kusoo uruuriyey sida uu sheegay abwaanku Sanadkii 1972-kii markii la bilaabay qorista Farta Soomaaliga, Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa bilaabay inuu diiwaankii suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ee uu hayey ku qoro Af Soomaali kana soo wareejiyo Af Carabiga, sanadkii 1991-dii markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe ee dalka ayaa Aw Jaamac u guuray wadanka Jabuuti si uu ugu noolaado, wuxuuna halkaasi ku daabacay buug uu kaga hadlay "Qaranjabkii Soomaaliya" sidoo kalena wuxuu qoray bug kale oo tiro badan inkastoo la sheegay in qaarkood aan weli la daabicin.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain