Daanyeer Weerar Kuhaya Dadka & Beeraha ku hareeraysan Degmada Baargaal

Dadka iyo duunyada ku hareeraysan degmada Baargaal ee G/Gardafu ayaa ka cabanaaya Daanyeer aad u tiro badan oo weerar ku haya beerahooda iyo xoolahooda.

Sida ay sheegeyaan warar laga helaayo deegaanadaas daanyeerka ayaa raxan raxan usoo gala Beeraha asagoo tiro aad u badan ah khasaaro lixaadlena u gaysta beeraha iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaas.

Daanyeerkaas oo badankiisu bahaloobay ayaa cuna xoolaha dhaawacna soo gaarsiiya caruurta hadii ay isku dayaan inay ka celiyaan beeraha iyo xoolaha ay la joogaan, taas oo ku kaliftay qoysas badan inay daanyeerkaas uga soo guuraan beerahoodii

Daanyaarkaas oo si xawli ah ugu tarmaaya deegaanka ayaa caqabad wayn ku noqday wax soo saarkii beeraha deegaanka.

Odayaal ku dhaqan deegaankaas oo shabakada baargaal.net u waramay ayaa baaq u diray maamulka iyo wasaaradaha in laga caawiyo siday isaga dhicin lahaayeen deenyeerkaas oo hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban laga cabsi qabo inuu magaalooyinka soo weeraro.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain