DEG DEG: Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Iyo Sarkaal Sare oo Ku Dhintay Weerarkii Maanta Lagu Qaaday Madaxtooyada Muqdisho

Waxaa goordhow la shaaciyey geerida Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Xersi Cabdulle "Indhacase" oo ahaa xoghayaha joogtada ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugnaa masjidka madaxtooyada halkaasoo ahayd bartil maameedkii ay beegsadeen kooxihii galay xarunta madaxtooyada.

Waxaa kaloo la shaaciyey geerida Col Nuur Shirbow oo ahaa taliye kuxigeenkii hore ee nabadsugida Soomaaliya, haatana ka mid ah saraakiisha dhinaca amaanka ee dawlada.

Waxaa kaloo dhaawacooda la xaqiijiyey illaa saddex xildhibaano oo baarlamaanka ka mid ah kuwaasoo ku jiray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya gaar ahaan masjidka madaxtooyada oo xitaa madaxweynuhu uu ku tukado maalin kasta oo Jimce ah.

Tirada dhimshada guud ee weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada ayaa dhan 15 ruux, marka lagu daro kooxdii weerarka geysatay oo 10 nin lagu sheegay kuwaasoo ay toogteen ciidamada amaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Wariye Axmed Siciid Axmed oo ka tirsan Radio Kulmiye oo ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Muqdisho uu dhaawac culus kaso gaaray weerarkii maanta lagu qaaday Madaxtooyada Muqdisho

BAARGAAL.NET
War deg deg ah
Developed by Jago Desain