Shirkadda Facebook ayaa gashey heshiis ay kula wareegeyso barnaamijka
fariimaha telefoonada la isaga dhex-diro ee WhatsApp.
Facebook ayaa WhatsApp dul dhigey $16 Bilyan waxaana qayb ka mid ah lacagta ay u bixinayaan caddaan ama Kaash halka qaarka kalena ay yihiin Saamiyo.
Dhamaadki sanadki 2012 iyo weliba sanadkii 2013 ayaa warar hoose soo
baxeen oo sheegaya in shirkadaha Google iyo Facebook ay tartan ugu
jiraan in ay gataan barnaamijkan caanbaxay ee WhatsApp.
Marka la eego heshiiska Facebook kula wareegtey WhatsApp ayaa dhigaaya
in $12 Bilyan ay ku bixineyaan Saamiyo, $4 bilyan waxay ku bixinayaan caddaan ama kaash toos loo siinayo mulkiilayaashii WhatsApp.
Facebook ayaa sidoo kale bixinaaya $3 bilyan oo Saamiyo xadidan ah
taas oo ay si khaas ah u leeyihiin Asaasayaashii Shirkadda WhatsApp
iyo shaqaalaha, waxaana guud ahaan lacagta ay ka dhigeysaa $19 Bilyan.
WhatsApp ayaa la asaasey sanadkii 2009 waxaana sameeyey laba Injineer oo horey uga shaqeyn jirey Shirkadda Yahoo, Jan Koum iyo Brian Acton.
Xarunta u weyn ee shirkadaa ayaa ku taala Mountain View ee Gobolka California cariga Maraykanka.
Mark Zuckerberg oo ah taabbageliyaha ama asaasaha shirkadda Facebook ayaa sheegey in WhatsApp uu ku socdo in uu gaaro 1 Bilyan oo
isticmaale, adeeega halkaas gaarana waa mid qiime weyn ku fadhiya ayuu yiri bayaan uu soo saarey iibka ka dib.
Whats App ayaa ku shaqeeya Internetka waxaana uu u shaqeeya sida SMS si gaar ah waxa uu ugu shaqeeyaa telefoonada casriga ah ee taabashada ku shaqeeya, waxaana barnaamijku lee yahay in ka badan 450 milyan oo isticmaale maalinkasta.
Si kastaba ha ahaatee hadalhaynta ayaa ah qiimaha baaaxadda leh ee la
kala siistey shirkadd jirtey muddo 4 sanoah oo keliya, sidoo kale
waxaa la sugayaa sida la isugu xiri doono Facebook iyo WhatsApp oo ah
aba aaladood oo si weyn loo isticmaalo.
BAARGAAL.NET
Baargaaltech
Facebook oo iibsaday Adeega Fariimaha ee Whats App
Facebook oo iibsaday Adeega Fariimaha ee Whats App