Posts

Gaari xamuul ah oo caawa lagu gubay duleedka degmada Qardho

Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Qardho ee Puntland ayaa sheegaya gaari nooca xamuulka qaada in caawa lagu gubay duleedka magaalada Qardho.

Gaariga ayaa la sheegay kooxo hubaysan inay ka leexsadeen laamiga dheer ee dhexmara xaafadaha Qardho, Waxaana kadib markii dabka la qabadsiiyay gaariga la arkayay isagoo uu ka baxayo uuro madow iyo holac, waxaana jira rasaas lagu kala eryay dad doonayay inay gaarigaasi u dhawaadaan,

ilaa iyo hadda lama oga gaariga halka uu ka yimid, goobta uu ku sii jeeday iyo sababta loo beegsaday. Mana jirto wax war ah oo masuuliyiinta Puntland ay dhacdadaan kasoo saareen,

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain