Ganacsade iyo howlwadeen caafimaad oo lagu dilay Muqdisho

Nin ka mid ahaa dadka ku ganacsada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu toogtay suuqa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ehel la ah marxuumka.

Dilka waxaa fuliyay rag bistoolado ku hubeysan. Lama oga sababta ka dambeysa dilka ganacsadaha.

Dhinaca kale, rag hubeysan ayaa xalay xaafadda Geedqallooc ee degmada Yaaqshiid ku dilay nin ka mid ahaa howlwadeennada ka shaqeeya tallaalka carruurta ee maamulka gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa dib ugu soo laabtay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah.

BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain