Gardafuu Gobol Loo Magacaab Gobol-nimo-se Ma Ku-Helaayaa Wuxuu Dagmo-nimo Kuwaayay ?

Dhammaan Akhristayaasha Sharafta leh ee soo Booqda Shabakadan Baargaal.net waxaan idinku salaamaynaa Salaanta Islaamka .. Asalaamu Calaykum waraxmatulahi wabarakaatuh .

Maqaalkan gaaban waxaan jecelnahay inaan si kooban uga hadalno Gobolka Gardafuu oo intii lagu dhawaaqay ka aradan wax horumar ah iyo wax u qabad dawladeed- asagoon wali horay uga gudbin waraqadihii ansixinta, waxaana si gaar ah u falanqayn doonaa kaalinta uga bannaan Qurba-Joogta ka soo jeeda Gobolka Gardafuu hawlaha horu socodsiinta iyo horumarinta Gobolka.

waxaan shaki ku jirin in ku dhawaaqista Gobolka gardafuu iyo Degmooyinkii Cusub ay salka ku haysay siyaasad uu madaxweyne C/raxmaan Faroole ugu talagalay in uu awrka Ku kacsado doorashadii kursiga madaxtinimo ee Puntland looga qaaday , hase ahaatee wax mudan in su'aalo dhaxal gal ah la iska weydiiyo magacaabista noocaas ah,miyaysan ahayn mid bulshooyinka deegaanadan dhagaha loogu cufayo balse waxba intaas ayna dheerayn oo aan wax waxqabad ah aan loo soo wadin

Gobolka Gardafuu wuxuu ka mid yahay gobollada ugu hodansan Puntland marka dhan kasta la eego. Ha noqoto tiro dad iyo aqoon, duunyada xoolaha, ama khayraadka dabiiciga ahba wuxuuna kamid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee maamulka Puntland u soo xereeya cashuuraha ugu badan ee hawlaha dalka lagu maamulo , intaasi waxaa u dheer Gobolka Gardafuu asagoo ku yaal irrid ganacsi oo laf dhabar u ah ganacsiga u kala gudba Puntland iyo Dawlada yemen iyo dawladaha kale ee gacanka carbeed.

Haddii aan u soo noqdo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogta Gobolka Gardafuu ay uga hawl-gali lahaayeen ama uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarinta Gobolka Gardafuu ; maanta dalkeena , waxa muuqata in Qurba-Joogtu yihiin kuwa la isku dhaafay ee ay isku dhaafeen Horumarka ka socda Gobolada Dalka ,Ha noqoto lacagaha tooska ah ee ay Qurba-Joogtu bil walba soo diraan, ha noqoto dib u dhiska guryihii dumay ama kuwo cusub oo ay dhisaan, goobaha ganacsiga, Huteellada waaweyn, Warshadaha, Jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada iyo waxyaabo kale oo badan. Gobolkii ay Qurba-Joogtiisu si dhab ah ugu hawlgaleen oo ay si wadajir ah ugu guntadeen horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walba Gobolkii ay Qurba-Joogtiisu hagradeen,

marka doorka Qurbajoogtu ku leeyihiin Horumarinta Gobolka waa mid aan la iska indho tiri karin waana laga maarmaan inay kaalintooda ka qaataan horumarinta iyo dib u dhiska gobolka Gardafuul , waxaan Filaayaa in Gobolka Gardafuu uu kamid yahay Gobollada ay Qurba-Joogtiisu ugu tirada iyo aqoontaba badan tahay Qurbaha.

Xusuus: Maqaalkani waa mid ujeedadiist tahay in Reer Gardafuu uga doodaan xaqa gobolka cusub ka maqan , yaanan looga faaiidaysan wax kale

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain