Madaxweynaha Puntland & Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya oo Kulan Wada Yeeshay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra'iisal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros ayaa goobjoog ahaa iyo diblumaasiyiin kale, waxana Madaxweyne Gaas wehelinayay wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidanka difaaca ee Puntland iyo saraakiisha Madaxtoyada.

Ra'iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiririka nabadgelyo midka ganacsiga iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Labada dhinaci waxay isla qaateen in khatarta ugu wayn Geeska Afrika ay tahay kooxda Al-shabaab, waxana la isla meel dhigay in si wadajir ah loogu kaco dagaalkooda iyadoona lagu heshiiyay xiriirka nabadgelyo inuu noqdo mar weliba mid joogto ah. Horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac gaar ahaan dhinacyada tababaradda iyo kor u qaadidada tayada hay'adaha dowliga ah ayaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa u kicitimi doona xarunta dowlad deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaasi oo casumaad uu ka helay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain