Roob mahiigaan ah oo ka da'ay Degmada Baargaal iyo nawaaxigeeda ( Sawirro)

Waxaa magaalada Baargaal saacado badan oo xiriir ah ka da'ay roob Mahiigaan ah kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyada.

Roobkan ayaa biya badan dhigay dhamaan wadooyinka iyo Baliyada dhexmara gudaha magaalada Baargaal waxaana sidoo Kale ilaa habeen hore Biyo Maraayeen Togga wayn ee Duuba.

Roobkaas oo ahaa mid xoogan, ayaa waxa uu sababay in magaalada Korontada laga damiyo, si looga hortago in dhibaatooyin ka dhashaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay inay Ilaahay uga mahad celinayaan naxariista iyo raxmadda uu cirka uga soo dajiyay.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo la sheegay inuu roobkaas ka dhashay.



BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain