Posts

Shacabka G/ Bari oo loogu baaqay inay amaanka ka shaqeeyaan

Maamulka Gobolka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka Gobalka ku dhaqan in gacan ka gaystaan sugida amaanka Magaalada Bosaaso Xarunta Gobalka Bari.

Kulan looga hadlayay amaanka Gobalka ayaa lagu qabtay Xalay Xarunta Gobalka Magaalada Bosaaso waxaana kulankaa uu ahaa mid sedax geesood ah oo saxaafada aan goob jooga ka ahayn.

Hayeeshee kulan kaa ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Gobalka Bari waxa uuna sheegay in kulankaa looga hadlayay amaanka Gobalka.

Waxa uu xusay in ay jiraan kooxa uu sheegay in ay qorshaynayaan falal amaan daro kuwaas uu sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan Xaafadaha Magaalada Bosaaso si amaanka Gobolka wax ugu dhimaan.


Gudoomiyaha ayaa ugu danbayntii ka codsaday dadka deegaanka in gacan laga gaysto ilaalinta amaanka Gobalka Bari si loola dagalamo waxa ugu yeeray nabad diidayaasha.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain