WAR DEG DEG AH: Maxaa ka jira geerida Xasan Sheekh iyo madaxtooyada oo war laga helay

Waxaa maanta suuqa ku jira hadal sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ku geeriyooday dalka Turkiga xilli halkaasu uu u tagay howlo caafimaad.

Shacabka ayaa midba mid kale taleefanada ugu sheegayo in madaxweynaha uu geeriyooday iyo in kale.

Waxaana jira war dadka saakay hurdada ay kaga soo tooseen kaasi oo ku aadan in Xasan Sheekh Maxamuud uu geeriyooday,laakiin wararkaasi ayaan ahayn kuwo la isku haleyn karo.
Xiriir kala duwan oo aan la sameynay xarunta madaxtooyada iyo dadka ku dhow madaxweynaha ayaa inoo xaqiijin geerida madaxweynaha.

Waxayna sheegeen in arimahaasi ay yihiin kuwo been ah oo dadka ay iska dhaadhiciyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga u tagay arimo caafimaad,sida Afhayeenka madaxtooyada uu sheegay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain