Posts

Baargaal: waddooyin iskaa wax u qabso lagu dayactiray

Waxaa Degmada Baargaal ka socday mudooyinkan danbe olole balaaran oo iskaa wax u qabso ah oo lagu hagaajinaayay wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka iyo ganacsiga deegaanka

Ololahaan oo ay ka qayb qaateen badanaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa hormuud u ahaa odayaasha iyo waxgaradka degmada oo bulshada ku baraarujinaayay ahamiyada wax wadaqabsiga iyo iskaashiga.

Waxaana todobaadyadii la soo dhaafay laga shaqeeyay wadooyin badan sida wadada aada beerta xeela iyo wadada docolaati ee magaalada soo gasha halkaas oo laga jaray dhir badan iyo boholo gaadidka gudbaaya halis galin jiray.

Waxaana todobaadka soo socda loo balansayahay in mudo 13 casho ah laga shaqeeyo waddada yawuudaan oo degaano badan isku xirta

Ololahan iyo kuwo kale oo lamid ah ayaa waxay wax weyn ka badaleen aragtida Bulshada deegaanka iyadoo ay dadweynuhu ogadeen in iskaashiga iyo wax wada qabsigu uu muhiimad wayn u leeyahay Horumarka iyo wax wada qabsiga Ummad meel wada degan,waxaana uu hanaankani soo celiyey barnaamijka iskaa wax u qabso ee soomaalidu ay ku wada shaqayn jirtay xiliyadii Barisamaadkii.






SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain