Markii ugu horeysay mudo 20 sano ah kadib ayaa la filayaa ineey si toos ah u bilowdaan duulinmaadyada shirkadaha ganacsi ee diyaaradaha Dalka Soomaaliya iyo Yaman, kadib markii ay heshiis kala saxiixdeen
shirkado ganacsi oo labada dal.
Heshiiskan oo dhinaca duulimaadka ah ayaa waxaa uu ka dhaxeeyaa shirkada duulimaadka iyo ganacsiga guud ee Gaabow oo fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho iyo shirkada duulimadyada ee Saciida oo xarunteedu
tahay magaalada Sanca ee dalka Yeman.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in todobaadyo kooban kadib shirkada Saciida ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyagoo
isku xiraya magaalooyinka Sanca, Muqdisho, Hargeysa iyo Cadan .
Heshiiskaasi ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Sanca waxaana goob
joog ka ahaa maamuliyaal ka kala socday labada shirkadood , mas'uuliyiin ka socota wasaaradda arimaha dibada ee dalka Yeman , la
taliyaha Madaxweynaha J. F. S. ee dhinaca sharciga Prof. Ciise Axmed
Warsame, Danjiraha Yeman u fadhiya Muqdisho Fu'aad Zorqa , Qunsulka
Soomaalida ee Sanca Cismaan Axmed Maxamed iyo madax kale.
BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Posts