Faallo: isbadelka lagu sameeyay maamulka gobolka Gardafuu xal ma u noqon karaa caqabadaha hortaagan gobolka ?

Bulshada gobolka Gardafuu oo lagu yaqaan dad hal abuur leh oo had iyo jeer door wayn ka qaata isbadalka siyaasada puntland iyo tan dawlada fedraalka soomaaliya ayaa beryahan danbe waxa saamayn ku yeeshay xumad siyaasadeed sal dhigatay taas oo dib u dhac ku keentay horumarkii deegaanka oo idil horay uga socday

horumarkaas oo ay bulshada deeganka kunooli si wada jira uwada qabsan jireen waxay horey u wada dhisteen una furteen wadada lafagoray oo halbowle u ah iskuna xirta deegaanada calbari waxay kaloo ka midaysnaayeen bulshada deegaanku inay si wada jira uga shaqeeyaan wax kastoo baahiya ah oo bulshada deegaanku u baahato sida ceelal la wada qoto , qaaraan lawada baxsho iwm

Hada sidaasi ma jirto oo bulshadu waxay hada ka soo kabanaysaa kala qaybsanaan ay ka dhaxashay siyaasadihii isdiidanaa ee ka aloosnaa deegaanka tan iyo 2011

Waxaa meesha ka baxay is aaminkii bulshada dhexdeeda ka jiray oo si macnawiya bulshada deegaanku ugu tiirsanaayeen, bulshada deegaanadan calbari ayaa horay u ahayd bulsho isjecel oo wanaaga iyo horumarka ka shaqaysa.

Hada dawlada uu madaxwaynaha ka yahay c/wali Maxamad cali gaas waxay maamul cusub u soo dhistay gobolka Gardafuu Hadaba su'aasha meesha taagan ayaa waxay tahay: isbadalka lagu sameeyay maamulka gobolka cusub ee Gardafuu xal ma u noqon karaa caqabadaha gobolka hortaagan?

BAARGAAL.NET
Faalooyin ka turjumaya guuxa bulshada deegaanka
Developed by Jago Desain