Maamulka Puntland "Waxaan Qabanay Ajaaniib iyo Doomo Si Sharci darra ah uga Kaluumaysanayay Xeebaha Caluula ee Gobolka Gardafuu"

Ciidanka badda Maamulka Puntland ayaa Shalay Gacanta ku dhigay doon si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebta magaalada Caluula ee gobolka gardafuu.

Doonta ayaa la sheegay in maalmahan ay kusoo noqnoqanaysay magaalada Caluula isla markaana markii danbe dadka deegaanka ay war geliyaan Ciidanka Badda sidaasna lagu qabtay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Caluula Cali Saalax Yuusuf ayaa warbaahinta usheegay in doonta la soo qabtay ay saaran yihiin qalab sahlaya in lagu qabto kalluun badan muddo gaaban gudaheed.

Doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha gobolada Bari & Gardafuu ayaa in dhowaalweba badanayay, iyadoo kalluumeysatada goboladaas ay qeylo-dhaan ka muujiyeen kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka jira goboladooda.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii ciidanka badda Puntland howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Baargaal ee gobolka Gardafuu ay ku soo qabteen 2 doomood oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaas oo si sharci darro ah ku kalluumeysanayay.

Saraakiisha ciidanka badda Puntland ayaa sheegay inay dardar-geliyeen dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha sida sharci-darrada uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Kaluumaysato dhalashadooda ay ubadan tahay Dalalka Yaman iyo Iiraan ayaa si aad ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland kuwaasi oo burburiya inta badan qalabka ay isticmaalaan kaluumeesatada soomaalida ee ka shaqo taga Xeebaha.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain