Madaxweyne Gaas oo codsaday in Kulan aan Caadi ahayn ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka

Sida uu Saxaafada u Xaqiijiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire wuxuu Madaxweynaha Dowladda Puntland ka codsaday Gudoonka Baarlamaanka in Kulan aan Caadi ahayn loogu Yeero Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo hada fasax ku maqan,

waxaana la doonayaa in Baarlamaanku ansixiyaan Miisaaniyada Dowladda.

Mudane Siciid Xasan shire isagoo Tixgelinaya Codsiga Madaxwaynaha wuxuu dalbaday in Xildhibaanada ay soo xaadiraan Xarunta Baarlamaanka 30ka Bishan si loo guda galo akhrinta iyo ka doodida miisaaniyada ay soo gudbiso Wasaarada Maaliyada .

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain