Wasaaradda haweenka Puntland oo qorshaheeda 2014 ka soo bandhigtay

Waxaa maantay ka dhacay hoolka shirarka ee wasaradda haweenka puntland Shir ay wasaarada haweenku ku soo bandhigaysay waxyaabaha u qorshaysan wasaradda haweenka sanadkan 2014-ka

Shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay hay'addaha sida tooska ah ula shaqeeya wasaradda iyo haween kale.

War bixin dheer oo faah faahsan ayay wasaraddu kusoo bandhigtay shirkaas kaasoo toos u taabanayay waxyaabaha diiradda la saarayo sida loo qabanayo iyo rajada laga qabo.

Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland Drs. Aniso Cabdiqaadir Muumin ayaa oo ka hadashay shirkaas ayaa sheegtay sanadkan inay ku rajo wayn tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira arrimaha qoyska sida haweenka iyo dhallaanta,waxayna hay'adaha la shaqeeya usoo bandhigtay qorshaha u degsan ee sanadkan iyo sida looga doonaya inay uga caawiyaan dhanaka dhaqaalaha.

Waxay sheegtay Drs. Aniso inay xooga saari doonaan sidii Puntland looga cirib tiri lahaa gudniinka waxyeeleeya haweenka oo soo noq noqday oo uu dhawaan madaxwaynaha Puntland saxiixay inuu mamnuuc ka yahay gobaladda Puntland.

Drs. Aniso ayaa sheegtay haweenku inay muhiim u tahay inay ka qayb gallaan arrimaha siyaasada iyo hormarka dalka maadama ay yihiin qayb ballaaran oo bulshada ku dhexnool.

waxay sidoo kale wasiirka haweenka soo hadal qaaday Waxbarashada,caafimaadka,addeegyadda qoyska iyo wacyo galinta bulshada waxayna caddaysay in si mug leh looga war qabo waxbarashada haweenka oo muhiim u ah maadama ay yihiin kuwo la doonayo inay dhallanka aqoonta ku barbaariyaan guryahooda.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain