Dhacdo Yaableh Oo Ka Dhacday Dalka Ruushka iyo Su’aalaha caalamku Iska Waydiinayo oo sii siyaadaysa

Dhacdo mucjiso iyo yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Ruushka ka dib markii uu baabuur uu jini wato si lama filaan ah uu uga soo dhex muuqday wado saxmad ah oo ay baabuurta ku badan tahay islamarkaana uu sababi gaarey inuu shil ka dhaco goobtaas.

Dhacdadaan la yaabka leh oo ka dhacda dalka Ruushka oo ahayd mid yaab iyo amakaag ku abuurtey dhamaan dadka aduunka ayaa waxaa dubay kaamiro saaran muraayada hore ee buubaar maraayey wadada, Baabuurkaan la sheegay inuu watey Jiniga ama aan loo jeedin cida wadatey ayaa waxaa uu si lama filaan ah uga soo dhex muuqday baabuurta dhexdooda wado saxmad ah iyadoona arinta la yaabka leh ay tahay inaan la ageyn halka uu ka soo dhacay gaarigaas iyo eesha uu ka yimid maadaama un mar qura la arkay asagoo dhex ordaaya baabuurta dhexdooda islamarkaana ku dhaci lahaa baabuur kale oo BMW ahaa oo asagu si caadi ah u heystey wadadiisa laakiinse si deg deg ah u qabtey fariinka ka dib markii uu gaarigaan uu ku kediyey oo uuna ku naxay.

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta baabuurkaan ay muran iyo is qabqabsi weyn ka dhex abuurtey dadka aduunka oo qaar badan oo ka mid ah ku sheegayaan inuu yahay Jini waxa watey baabuurkaas halka ay qaarna ku tilmaameen inay tahay been la dhoodhoobay ayaa arintaan waxaan jirin cid si cad sharaxaad uga bixin karta iyadoona hal arin dhamaan la isla wada qirey taas oo ah inaan la ogeyn halka uu baabuurkaas ka yimid maadaama aan marnaba uusan ka muuqan baabuurtaas dhexdooda ilaa mar qura la arkay asagoo dhex ordaaya baabuurtaas iyo wadada dhexdeeda oo aan gebi ahaana la ogeyn halka uu ka yimid.

BAARGAAL.NET
2014
Developed by Jago Desain