Gaas "Waxa aynu xooga saari doonnaa in shacabka ay wax soo doortaan"

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali gaas oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Xukumadiisa qorshaynayso sidii Xukuumadiisa uga shaqayn lahayd in Xukuumada tan xigta in dadka wax soo doortaan.

Waxa uu sheegay in hadii Xukuumadiisa ku guulaysan wayso in Shacabka Puntland wax soo doortaan Dowladiisa loo aqoonsado Dowlad fashilantay sida uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in aysan jiri doonin Xukuumad kale oo soo doortaan 66 Xildhibaan ee Xukuumadahi hore oo tiisa ku jirta soo doortay kuwaas oo qaab qabiil ku yimaada.
Gaas ayaa sheegay in Xukuumadiisa ku dadaali doonto sidii looga shaqayn lahaa horumarinta Puntland iyo tixgalinta rabitaanka shacabka Puntland oo uu sheegay in Xukuumadiisa muhiimada kowaad siiso.

Maaxweyne Gaas ayaa sheegay dhanka kale in Xukuumadiisa ku dadaali doonto sidii amaanka looga shaqayn lahaa waxa uuna sheegay in Shacabka looga baahan yahay sidii amaanka Dowlada uga gacan siin lahaayeen.

Wuxuu kaloo Madaxweynahu soo hadal qaaday dilkii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee loo gaystay shaqaalo ka tirsan QM waxa uuna sheegay in dilkaa la baarayo sababadii dhaliyay. Waxa uu sheegay in Gudi u magacaabay arimahaa islamarkaana gudigaa dhawaan laga war dhoorayo in go,aamo ka soo saaraan natiijada Baaritaanka waxa uuna ka digay in aan falalka noocaas ah la garab siin dadka gaysta oo sharciga lala eegto.

BAARGAAL.NET
War la helaa talo la helaa
Developed by Jago Desain