Hay'adda Care oo Siminaar 3 Cisho soconaayay u qabatay Gudiga waxbarashada Dugsiga Sare ee Baargaal

Siminaar socday sadex maalmood oo lagu baranayay samaynta qorshayaasha horumarinta dugsiyada sare,iyo doorka gudiyadda waxbarashada ee ku aadan maamuladda dugsiyada oo loo qabtay Gudiga waxbarashada Dugsiga Sare Ee Baargaal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baargaal.

Siminaarkaas oo ay iska kaashadeen qaban qaabadiisa hay'adda Care international iyo wasaaradda waxbarashadda Puntland , qaybna ka ahaa mashaariicda barnaamijka "waxbarasho waa iftiin "oo uu maal galiyo midowga Yurub .

Gudoomiyaha gudiga waxbarashada dugsiga sare ee Baargaal C/laahi muuse Bootaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmamaay in gudigoodu aqoonta ay ka heleen siminaarkan ay u isticmaali doonan sidii ay qorshe dhamaystiran ugu dajin lahaayeen dugsiga sare ee degmada ,waxaana uu u mahad celiyey hay'ada Care international iyo midowga Yurub oo uu ku amaanay barnaamijka waxbarashada ee iftiin oo ay ku cawiyaan xarumaha waxbarashada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in intay ku jireen Siminaarkan aqooneed ee loo gabtay gudiga Waxbarashadda ay kaga doodeen sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada dugsiga sare , Maamulka iyo Macalimiinta.

Waxaa sidoo kale ka hadlay madaxa tababarka mashruuca Abshir M. aadan asagoo ku dheeraaday ahamiyada siminaarku u leeyahay horumarinta hawsha gudiga asagoo u mahadceliyay xubnihii ka qaybgalay siminaarka dadaalka iyo hawl karnimadeey sameeyeen

Hay'adda Care international oo kamid ah hay'adaha dhanka waxbarashada taageera ayaa waxay gobolka Bari ka Hawlgalaan Boosaaso iyo Baargaal





BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain