Saraakiishii lagu dilay Gaalkacyo oo la sheegay inay lacago kala gudbinayeen

Labadii sarkaal ee ka tirsanaa hay'adda UNODC ee maalmo ka hor lagu dilay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee gobolka Mukdug ayaa la sheegay inay u socdeen sidii ay xiriirin lahaayeen shirkad lacagaha xawisha iyo kooxo burcad-badeed ah sida ay sheegtay Arbacadii shalay hay'adda UNODC.

Simon Davis oo 57ahaa isla markaana horay u ahaa sarkaal booliiska Ingiriiska ka tirsanaa iyo Clement Gorrissen oo u dhashay dalka Faransiiska ahaana 29-jir ayaa waxaa ku toogtay garoonka diyaardaaha Gaalkacyo mid ka mid ah ilaaladii gaarka ah ee garoonka. "Inta badan labadan nin si gaar ah ayay u wada-shaqeyn jireen, waxayna ahaayeen la taliyeyaal dhinaca farsamada," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday UNODC oo intaas ku dartay in sidoo kale ay gacan ka geysan jireen dhismaha xabsiyada.

Hay'adda UNODC ma cadden sababta ka dabeysay weerarka lagu dilay saraakiishan, iyadoo sidoo kalena aanu weli maamulka Puntland shaacin sababta keentay in la toogto saraakiishan Qaramada Midoobay ka tirsanaa.

Sidoo kale ha'yadda ka hortagga daroogada iyo dambiyada ayaa sheegtay in labada sarkaal ay doonayeen inay lacag ku jirtay banki ay ku wareejiiyaan xawaaladaha ay Soomaalidu isticmaasho, lacagtaas oo ay sheegtay inaysan ahayn mid qaab dambi ah loo isticmaalayay, balse ay tahay mid dadka lagu badbaadinayay.

Davis oo British ahaa ayaa wuxuu ahaa sarkaal booliis ah oo howshoosu ay ahayd dab-galka dhaqdhaqaaqyada lacagaha, isagoo hay'adda UNODC kusoo biiray 2012.
Sidoo kale wuxuu si hoose ugala shaqeynayay dowladda Britain sida burcadda badaha loola dagaalami lahaa.

Ruuxa kale ee u dhashay Faransiiska, Gorrissen ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn jirtay ka hor intii uusan ku biirin hay'adda UNODC sannadkii 2010-ka ka hortagga lacagaha loo dambiyada lagu galo ama loo isticmaalo argagaxisonimada.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain