Wasiirka haweenka iyo hormarinta arrimaha bulsahda Puntland oo booqatay kaamka jilab ee garowe

Wasiirka haweenka iyo hormarinta arrimaha bulsahda Puntland Drs. Aniso Xaaji Muumin ayaa maantay booqatay xaafada Jilab oo ay degan yihiin dad danyar ah magalada Garowe iyadoo sheegtay inay aad u dareensan tahay baahiyaha ay qabaan.

Wasiir Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay ka go'an tahay sidii umadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobaladda Puntland wax loogu qaban lahaa gaar ahaan arrimaha caafimaadka iyo hormarinta nolashooda.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa sidoo kale sheegtay inay muhiim tahay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka haweenka iyo caruurta kasoo gaara daabulka iyo tahriibta oo dhibaatooyin xanuun badani ay kala kulmaan waxayna Waalidiinta ugu baaqday inay la socdaan caruurtooda si looga hortago falalka saamaynta qoyska ku reeba.



Booqashada Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa qayb ka ahayd Kulan wacyi galin ah oo ku saabsan ka hortaga daabulka iyo ganacsiga Dadka , kulankaas oo ay sidoo kale ka soo qayb galeen Agaasimaha guud ee wasaradda Amniga,iyo masuuliyiin kale waxaana soo qabanqaabisay Hay'adda IOM.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain