10- Kun oo arday oo sanadkan u fariisanaysa imtixaanaadka centrlized-ka dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee puntland

Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa ku howlan u diyaar garowga imtixanaaadka dugsiyada sare ee Puntland oo la filayo inay deegaanada Puntland si isku mid ah looga fariisto 24ka bishaan.

Wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay imtixaanka inay qaadi doonto wasaaradda waxaana uu intaasi raaciyay in ardayda gala kaalmaha hore inay heli doonaan abaalmarino qaali ah.
Dugsiyada sare iyo fasalka sideedaad oo ah kan ugu dambeeyey dugsiga dhexe ayaa wasiirka uu sheegay in imtixaanka laga wada qaadi doono.

Puntland ayaa hormur wayn ka sameeyey dhanka tacaliinta , waxaana ay ku guulaysatay imtixaanaadka dugsiyada in la mideeyo oo wasaaradda ay maamusho iyo manaahijta dugsiyada.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain