Doonyo kalluumeysi sharci-darro ah sameynayay oo Degmada Baargaal lagu soo qabtay

Ciidamada badda Puntland oo gacan ka helaya police ka Degmada Baargaal ee gobolka gardafuu ayaa gacanta ku soo dhigay 4 doon oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaas oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha gobolka gardafuu.

Taliyaha ciidanka badda Puntland Jeneral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ku sugan degmada Baargaal ayaa sheegay in doonyaha la soo qabtay ay saarnaayeen 62 qof oo Yemeniyiin ah iyo 7 qof oo Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa doonyahaas.

Taliyaha ayaa xusay in doonyaha iyo dadkii lagu soo qabtay lagu hayo deegaanka Baargaal, wuxuuna caddeeyay in sharciga la hor geyn doono.

Saraakiisha ciidanka badda ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay dardar-geliyeen dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Baargaal.net
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain