Madaxwayanah Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa
maantay kormeer balaaran ku soo maray daafaha magaalada baargaal ee
gobolka gardafuu asagoo ugu horaantii shir la qaatay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka iyadoo shirkaasi looga wada hadlay arimo badan oo ku saabsan waxqabad la'anta ka jirtay dhinaca dowlada
puntland oo aan horay deegaanadan u soo gaari jirin
intaasi kadib ayaa Waxa uu madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kullan ballaaran kula qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan dhamasyada shirkada kallunka iyo korontada Baargaal halkaas oo jawi wanaagsan iyo neecaw qabow uu madaxwaynuhu ku xog waraystay bulshada
degmada,asagoo ku booriyay inay sii wadaan horumarinta deegaankooda oo ku tilmaamay mid maraaya meel fiican.
Dhinacooda waxay bulshada Degmada Baargaal ay Madaxwaynaha Puntland
uga mahadceliyeen Booqashada uu ugu yimid iyo kuur galida uu ku indha
indhaynayo Xaalada nololeed ee shacabka ku dhaqan Degmada Baargaal.
Madaxwaynaha oo sii wata kormeerkiisi ayaa wuxuu booqday dhismayaasha
shirkada kallunka iyo korontada Baargaal halkaasi oo ku dhagaystay warbixin ku saabsan shaqada iyo waxsoo saarka shirkada asagoo
madaxwaynuhu gacantiisa ku tijaabiyay qaar kamid ah waxsoo saarka shirkada
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Degmada Baargaal dhagax dhigay Xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Doorjoogta,halkaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi iyo Masuuliyiin kale .
Ugu danbayntii wuxuu madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas booqsho ku tagay saldhiga degmada baargaal iyo xarumo kale oo badan.
Isku soo wada duuboo booqashada madaxwaynaha ayaa guul ku soo dhamaatay inkastoo aan la furin malafyo siyaasadeed oo badan oo
bulshada deegaanku sugaysay inay kala hadlaan oo ay booqashada madaxwaynuhu ku soo koobantay barasho dhulka iyo u kuur galida xaalada degmadu ku sugantahay
BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
hoos ka daawo sawirada