Odayaasha & waxgaraka Muudiye oo caddeeyay in Magaalada Muuddiye Ka tirsantahay Degmada Baargaal

bayaan ay soo saareen Odaayaasha iyo waxgaraka Magaalada Muudiye oo ay shabakada Baargaal.Net Nuqul Kamid ah heshay ayay ku cadeeyeen inay`magaalada Muudiye Ka tirsantahay Degmada Baargaal.

Odayaasha oo Maalmihii La soo dhaafay soo gaaray Magaalada Baargaal`halkaasi oo ay ku qabteen shir ay ku cadaynaayeen in Magaalda muudiye waligeed ka tirsanayd hadana ka tirsanaan doonto Degmada Baargaal.

Odayaasha oo hadalkooda sii wata ayaa sheegay in kadib markay fiiriyeen danta Magaaladooda iyo tan dadkoodaba , ayna si qoto dheer uga baaraandageen arintan ay go'aankan gaareen.

Hadalka odayaasha ayaa ku soo beegmaaya xilli muddoyinkii la soo dhaafay ay magaalada muudiye ku jirtay isjiidjiid iyo labo qalbiyeen dhinaca ay magaaladu ka tirsantahay.

Bayaanka Odayaasha ayaa sidatan U qornaa
_________________________________________________________________

Ujeedo :Cadayn Katirsanaanta Magaalada Muudiye Degmada Baargaal

Annaga oo ah Beesha Daabuud waxaan cadaynaynaa Magaalada Muudiye inaanu ka tirsanahay Degmada Baargaal Waxaanu Ku saxiixnay Shan Qoys anagoo matalayna magaalada Muudiye

Odayaasha Guurtida oo kala ah :

1. Jimcaale Maxamed Siciid 7722762
2. Salaad Bile Maxamuud 7463393
3. Maxamuud Maxamed Jaamac 7601712
4. C/qaadir Maxamed Xasan 7640604
5. Jimcaale Maxamed yuusuf 7461863



BAARGAAL.NET
Isha Wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain