Puntland oo digniin u jeedisay shakhsiyaadka la shaqeeya jariiflayaasha.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa digniin xoogan u diray Shakhsiyaadka Soomaalida ah ee ka wakiilka ah ajaanibta sida sharci daradda ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland.

Shakshiyaadkaa ayaa lagu wargaliyay in talaabo adag laga qaadi doono haddii aysan ka waantoobin tilaabooyinka xeebahooda ugu soo hogaaminayaan shishiyeeha doonaya inuu xaalufiyo kheyraadka Puntland sida uu sheegay taliyaha ciidanka Puntland ee gobolka Guardafu oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Ciidamada badda Puntland iyo booliska gobolka Gardafuu ayaa dhawaan howgal ay qaadeen waxaa u suurto gashay in lagu soo qabto afar doonyood oo ay la socdeen 62- shaqaale ah oo 9 kamid ah ahaayeen Soomaali ah kuwaas oo ilaalo ka ahaa doonyaha gacanta lagu dhigay.

Dadkaan iyo doonyaha ay wateen ayaa hataan waxay sugayaan in la horkeeno sharciga si dambigoodu loogu qaado.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay weli si xowli ah ku socdaan kalluumaysiga sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha gobollada bari iyo gardafuu ee Puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain