Ardayda Quraanka ku xifdiyay Dugsiga Dar aw cumar ee Baargaal Oo Abaalmarin Guddoonsiiyay Macalimiintooda (Sawiro)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo abaalmarin lagu guddoonsiinayey macalimiinta wax ka dhigta dugsiga Daar aw cumar ee magaalada Baargaal ayaa galabtay ka dhacday xarunta dugsiga daar aw cumar ee magaalada Baargaal.

xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda dugsiga Daar aw cumar ee xifdinta quraanka kariimka ,tajwiidka iyo waxbarashada asaasiga ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigaynka Degmada Baargaal mudane yuusuf maxamed xirsi, waxgard culimo waalidiin iyo aradayda ugu talo gashay inay shahaado sharafyo iyo hadiyado kale gudoonsiyaan una hibeeyaan macalimiintii muddada wax soo baraysay.

Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay ardayda shahaadooyinka guddoonsiisay macalimiinta, ayagoo faahfaahin ka bixiyey ujeedada ay ugu talo galeen xalfladan oo ay sheegeen sidii ay mahadcelin ugu jeedinlahaayeen macalimiintooda iyo sidii dhiiri gelin loo siin lahaa macalimiintii muddada wax soo baraysay, kuwaas oo ay marnaba guddi Karin aqoontii iyo cilmigii maskaxdooda ku jiray ee ay noogu deeqeen ayagoo soo jeediyay khudbado iyo murti ka hadlaysay doorka macalinku ku leeyahay bulshada dhexdeeda .

Inaasi kadib ayaa waxaa madasha ka hadlay maamulka dugsiga oo arday ugu mahadceliyay talaabadan ay macalimiimtooda ku abaalmarinaayaan.

ugu danbayntii xaflada ayaa macalimiintii lagu gudoonsiiyay Abaalmarintoodii , waxaana si wayn looga dheehan karay wajiyada macalimiinta iyo ardaydaba farxad aad u balaaran



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain