Daawo Sawirada dadkii lagu laayay Deegaanka Mpeketoni oo katirsan Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya

Waxaa sii kordhaya Qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar la tuhmayo in kooxo Islaamiyiin ah xalay ku qaadeen Deegaan lagu Magcaabo Mpeketoni oo katirsan Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya.


Inta la xaqiijiyay weerarka xalay lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni waxaa lagu dilay ilaa 48-qof oo isugu jira ciidan iyo dad Shacab ah , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad aad u badan oo dhaawacyadooda qaarkood loo qaaday Magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Lamu Leonard Omollo ayaa waxaa uu sheegay inay xaqiijinayaan in tirada dadka la laayay ay gaarayaan 48 ruux ,waxaana uu intaa raaciyay in kooxda weerarka qaaday ay si gaar ah u bartilmaameysteen Labo hotel oo dalxiisayaal daganaayeen, Bangi iyo saldhig boolis.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa maanta aad u tabinaya weerarka ka dhacay gudaha Dalka Kenya ee dadka badan lagu laayay , waxaana Muuqaalo ay soo bandhigeen Tv-yada iyo Websetyada muujinayaan guryo iyo goobo kale oo la gubay.

Mpeketoni waxay qiyaastii 60km u jirtaa xadka Soomaaliya, waa meel kamid ah goobaha dalxiiska ee Kenya inkasta oo dalxiisayaashu isaga carareen halkaas kadib weeraro isdaba joog ah oo ka dhacay xeebaha Kenya ee loo dalxiiska tegi jirey.

Developed by Jago Desain