Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo Doortay Guddoomiye iyo ku xigeen

Golaha Deegaanka degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, kaddib markii maanta halkaasi lagu qabto doorasho.

Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo ka kooban 21 xubnood oo shalay la dhaariyay ayaa codka dhiibtay. Codadkii la dhiibtay waxaa helay Abuukar Axmed Yuusuf (Abuukar Indhacade) oo noqday guddoomiyaha golaha deegaanka ahna guddoomiyaha degmada Baargaal asagoo helay codadka 15
mudane oo kamid ah 21 xildhibaan ee codeeyay ,Sidoo kale, golaha deegaanka ee Baargaal waxay ku-xigeenka degmada u doorten Yuusuf Maxamed Xirsi

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indha-guran oo goob-joog ka ahaa doorashada ayaa marka hore u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa asagoo
kula dardaarmay inay la yimaadaan shaqo hufanaan.Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay guoomiyihii hore soo dhawayntii wafdigooda iyo qaabka uu u diyaariyay jawiga doorashadu ku dhacday.

wuxuuna wasiirku ballan qaaday inuu u qareemi doono Baargaal , Lana shaqayn doona xubnaha la doortay iyagana laga rabo inay wada shaqeeyaan kana shaqeeyaan hormuarka degaanka.

waxaa kaloo ka hadlay munaasabada wakiilka Hay'adda PDRC oo ballan qaaday inay tababar u qaban doonaan golaha cusub ee deegaanka baargaal marar badana ku soo noqon Doonaan Degmada Baargaal.

Intaasi kadib ayaa waxaa madasha ka hadlay gudoomiyaha la doortay iyo ku xigeenkiisa oo labaduba sheegay inay dareemaayaan culayska musuuliyadeed ay qaadeen ayagoo u mahad celiyay golaha deegaanka
,balan qaadayna inay muhiimada koowaad siin doonaan soo celinta haykalka dawladnimo ee degmada wada shaqayn fiicana la yeelan doonaan golaha deegaanka , odayaasha , iyo waxgaradka degmada.


Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada tartamayaashii laga guulaysaty ayagoo u hambalyeeyay xubnaha la doortay ballan qaadayna inay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan kuna garab istaagi doonaan siday u gadan lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

abwaan shube oo kamid ah abwaanada ugu caansan Puntland ayaa ugu danbayntii murti kula dardaarmay xubnaha la doortay iyo guud ahaan bulshada degmda Baargaal

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka horumarka Deeganada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain