Koobka Aduunka ee sanadkan 2014 lagu qabanayo dalka Brazil ( Warbixin iyo Sawiro )

Brazil ayaa qaban qaabadii u dambeeysay ugu jirta marti gelinta Koobka Aduunka ee sanadkan 2014 lagu qabanayo, iyadoo 32-xul ee ka socda shanta qaaradood ee dunida ay ku jiraan diyaar garow xoogan.

12-ka bishan June oo ku beegan maalin Khamiis ah waxaa magaalada Sao Paolo ka furmi doona Tartanka ciyaaraha Aduunka, waxaana ciyaarta ugu horeysa lagu furi doonaa Xulalka Brazil oo marti gelinaya tartankan iyo xulka Croatia.

Ilaa 12 Garoon oo si aad ah loo casriyeeyay ayaa lagu ciyaari doonaa Tartankan, waana muuqaal cusub oo Brazil ay ku soo bandhigi doonto garoomadeeda koobkan aduunka, waxaana durba xulalka loogu kala qeybiyay halka ay ku ciyaarayaan tartamadooda.

Inta aanan u guda gelin Tartanka waxaa dib u eegis ku sameynayaa Xulalka Qaran ee ka qeyb galaya Tartankan iyo taariikhda ay ku leeyihiin Koobkan oo afartii sano mar la qabto.

Brazil oo ah dal lagu tixgeliyo Kubada cagta Aduunka, ayna ka soo fara-cameen xidigo halyeeyo ah, magac iyo sumcad weyn ku leh caalamka ayaa ah dalka ugu badan ee koobkan ku guuleystay, waxayna ku guuleysteen afar jeer. Sanadihii 1958, 1962, 1970, 1994 iyo 2002, Brazil oo markii labaad dalkooda lagu qabanayo waxay rajo weyn ka leeyihiin inay ku guuleystaan, waxaana sanadkii 1952 oo dalkooda lagu marti geliyay waxaa koobkaas ka qaaday xulka Uruguay.
Xidiga Brazil ee isha lagu heyn doono waa da'yarka Neymar oo la filayo inuu wacdaro ka dhigo Tartamada Koobkan, inkastoo kulamadii kooxda Barcelona u ciyaaryay ay hoos u dhac weyn ka muuqdeen.

Xulka Qaranka Spain oo difaacanaya Koobkan waxaa uu ku guuleystay afar sano ka hor 2010 Tartankii lagu qabtay dalka Koofur Afrika, halkaasoo ciyaartii kama dambeysta ay Finalka gool iyo waxba waqtiga dheeriga kaga badiyeen xulka Holland.
Spain oo ay hogaaminayaan xidigo khatar ah, waxaa uu isku dayi doonaan inuu koobkan si kasta difaacdo, waxaana sanadihii u dambeeyay gaar ahaan lixdii sano ee u dambeysay uu ku guuleystay saddex koob oo caalami ah, sida labo Koobka Yurub iyo kan aduunka.

Xulka Jarmalka oo ah dalka ku soo xiga Brazil ee qaaday Koobkan 3-jeer waxaa laga sugayaa inuu soo bandhigo wacyadirihii lagu yiqiinay, ugu yaraan wuxuu rajeynayaa inuu afarta kooxood soo gaaray sida looga bartay 10-kii sano ee u dambeysay.

Sidoo kale xulka Talyaaniga oo isna saddex jeer ku guuleystay waxaa ugu dambeysya sanadkii 2006-dii, sidaas oo ay tahayna wuxuu ku jiraa xulalka loo saadaalinayo, kadib is bedelo laga dareemay qaabka ciyaareedkooda.

Xulka Argentine oo ku guuleystay tartankan labo jeer waxaa la filayaa in wacdaro ay ka dhigaan xidigaha Lionel Messi iyo Sergio Aguero,waana xulalka loo saadlinayo si walba ha ahaatee.

Kooxda Qaranka ee Portugal oo uu hogaaminayo xidigooda sanadka Cristiano Ronaldo, kaalin weyn ku lahaa u soo bixidooda Koobka Aduunka waxaa ay dhigi doonaan wacdaro, inkastoo aanay wali wax koob aduun ku guuleysan.

Xulka Qaranka England oo hal jeer ku guuleystay sanadkii 1966 waxaa uu isku dayayaa inuu wax badan ka bedelo qaab ciyaareedkooda aadka u hooseeyay iyo heerarka ay ka gaarayeen tartamadii u dambeeyay, waxaana ay la soo shirtagayaan xidigo uu ka mid yahay Wayne Rooney.

Holland oo lagu tilmaamo xulalka aadka u adag, ciyaartoy qatarna ay heystaan, ayaa inkastoo aysan nasiib laheyn, hadana waxaa macquul ah in wacdarihii looga bartay ay soo bandhigaan.

Hadaba waxaa halkan hoose idinku soo gudbineynaa Jadwalka Ciyaaraha ee Wareega Group-yada, maalmaha la ciyaarayo, taariikhda iyo xulalka sida ay isugu aadan yihiin inta uu soconayo Tartanka.

12 June
Brazil v Croatia
13 June

Mexico v Cameroo
Spain v Netherlands
Chile v Australia

14 June

Columbia v Greece
Uruguay v Costa Rica
England v Italy
Ivory Coast v Japan

15 June

Switzerland v Ecuador
France v Honduras
Argentina v Bosnia

16 June
Germany v Portugal
Iran v Nigeria
Ghana v USA

17 June
Brazil v Mexico
Belgium v Algeria
Russia v South Korea

18 June

Cameroon v Croatia
Australia v Holland
Spain v Chile

19 June

Columbia v Ivory Coast
Japan v Greece
England v Uruguay

20 June

France v Switzerland
Italy v Costa Rica
Honduras v Ecuador

21 June

Germany v Ghana
Argentina v Iran
Nigeria v Bosnia

22 June

Belgium v Russia
USA v Portugal
South Korea v Algeria
23 June
Cameroon v Brazil
Croatia v Mexico
Australia v Spain
Holland v Chile

24 June

Japan v Columbia
Greece v Ivory Coast
England v Costa Rica

25 June

Ecuador v France
Honduras v Switzerland
Nigeria v Argentina
Bosnia v Iran

26 June

South Korea v Belgium
Algeria v Russia 9pm
USA V Germany
Portugal v Ghana



Ka filo shabalada Baargaal.net
Warbixino iyo xogo ku saabsan kobka adunka 2014
Developed by Jago Desain