SHEEKO : WAA MAXAY MUSUQ MAASUQ SIYAASADEED (Political corruption)

SHEEKO : WAA MAXAY MUSUQ MAASUQ SIYAASADEED (Political corruption)
Wiil yar ayaa weydiiyey aabbihiis: Waa maxay aabe macnaha musuqmaasuq siyaasadeed! Markaasuu odaygii ugu jawaabay oo ku yiri: aabe Waxaas hada kuuma sheegi karo oo waa kugu adag tahay in aad fahamto adigoo da'dan ah, laakiinse waan kuu soo dhawaynaaya.

Anigu waxaan biilaa guriga marka aan ka dhigno inaan anigu ahay rassullmaliya (Capitalism) , hooyadaa waxay kala dabirtaa arimaha guriga iyadana aan ka dhigno xukumada (Government) adiguna waxaad ku jirtaa gacanta hooyadaa oo aan kaa dhigno shacabkii walaalkaa kaa yarna waa rajadeeni marka aan ka dhigno mustaqbalkii (future) , booyisada guriga noo joogtana ayadu anagay nagu hoos nooshahay marka aan ka dhigno danyarta .. Marka maandhow soco oo soo feker balnatiijo inaad gaarto ..

Habeenkii wiilkii waa seexan kari waayay .. Markaasuu maqlay wiilkii yaraa ee walaalkiis ahaa oo oynaaya wuuna utagay mise wiilki xafaayadaa ka buuxsantay oo waa is wasakheeyay .. Markaasuu aaday hooyadii si uu ugu sheego mise hooyadiis waxay ku jirtaa hurda culus oo khuuro badan oo ma soo kacayso... Lakin wuxuu la yabay aabihiis oo aan hooyadiis la jiifin dhinaceeda asagoo aabihiis raadinaaya ayuu maqlay cod iyo qosol ka soo yeeraaya qolka jaariyada markaasuu ka fiiriyay daloolka albaabka mise waa aabihiis oo jaariyada la jooga Subaxii markii la gaaray ayaa wiilkii wuxuu aabihiis ku yiri :aabe waan gartay macnaha musuq maasuq siyaasadeed aabihii ayaa ku celiyay maxaa garatay maandhow

Wuxuu ku jawaabay : waa markii rasulmaliyadu (Capitalism) ku ciyaarayso danyarta xukuumaduna hurda culus ku jirto goortaas buu shacabku noqonaayaa mid walwalsan oo lunsan , mustaqbalkuna dhex dabaalanaayaa qashin iyo qurun
Aabihii yaab baa kasoo haray

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Sheekoyinka iyo murtida soomaliyed
Developed by Jago Desain