Tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland oo galabta ka furmaya Garowe iyo Ciyaartooyda Xulka Gobolka Gardafuu oo Ka Qayb Galaya

Waxaa garowe soo gaaray dhamaan xulalka matalaayay gobolada puntland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Gobolada Puntland oo lugu wado inay galabtay ka furmaan magaaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gobolka Gardafuu ayaa markii ugu horay ka soo muuqanay asagoo ku jira Guruub B ee ciyaaraha Gobolada Puntland, waxayna guruubkaas ku waheliyaan Xulalka Nugaal oo marti geliyaasha ah, gobolka karkaar,Sanaag iyo weliba Hayland.

Dowladda Puntland ayaa maanta soo dhaweyn diiran u sameysay xulalka matalaya gobolada Puntland ee ka qeybgalaya tartanka kubadda cagta gobolada Puntland oo galabta ka furmaya Garowe.

Soo dhaweyntaan ayaa ciyaartooyda iyo maamuladooda loogu sameeyay xarunta hay'adda PDRC ay ku leedahay magaalada Garowe.

Waxaana kasoo qeybgalay wasiirka ciyaaraha dowladda Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Axmed Cabdulle , wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax, maamulka gobolka Nugaal.duqa degmada Garowe iyo guddiyada qaban qaabada tartankaan.

Agaasimaha guud ee ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo kulankaan kahadlay ayaa sheegay muhiimada soo dhawayntaan laga leeyahay inay tahay sidii ciyaartoyda loogu baraarujin lahaa inay muujiyaan asluub iyo ciyaar wanaag maadaama ciyaaruhu ay galabtay furmayaan.

Waxaa kakoo ka hadlay Wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay ciyaaruhu inay yihiin waxyaabaha dhallinyarada ka mashquuliya inay ku kacaan falal mustaqbalkooda lidi ku ah.
Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland ayaa sheegay inuu isugu katirsanaan jiray ciyaartoyda u dheeli jirtay xulka gobolka Bari islamarkaana uu ka qeybqaatay tartamo kamid ah kuwo ciyaaraha kubadda cagta gobolada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sugaayaa madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing, Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey in uu galabta si rasmi ah ufuro tartankaan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain