Amiirkii Al-Shabaab Axmed Godane oo la sheegaayo in qaar kamid ah ilaaladiisa ay dileen

Warar soo baxaya ayaa tibaaxaaya in Amiirkii Al-Shabaab Axmed Godane ay ilaaladiisu toogteen kadib israsaaseeyn xoogan duleedka Baraawe ku dhexmartay ilaalada Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane kadib markii sedex ka mida Istaafkiisa ay todobo xabadood ku dhifteen.

Dagaalka lagu toogtay Godane ayaa ka dhashay kadib markii uu dilay Sarkaal uu mudo dheer Xabsi ku haayay oo lagu magacaabo Bashiir Liqaaye kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Hawiye gaar ahaan Duduble.

Sedexda wiil ee toogatay Axmed Godane ayaa u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Duduble ,waxaana dagaal nus saac socday uu dhexmaray ilaalada Godane oo u badan Isaaq,Hadamo,Duduble iyo Ligse.

Maleeshiyadda Amniyaatka oo gurmad ku tegay meesha lagu dilay Godane ayaa la xaqiijiyay inay u qaadeen Isbitaal ku yaal gudaha Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeeladda hoose.

Lama oga in rasaasta lagu dhiftay Ahmed Godane u dhintay iyo inuu dhaawac yahay hasse yeeshee Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Khaliif Cadale wuxuu xaqiijiyay in Amiirkooda Godane ay rasaas ku fureen, wuxuu ku sheegay rag ay qabyaalad madax martay oo ilaaladiisa ka tirsan.
Khaliif Cadale wuxuu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo xaalada Godane dhimasho iyo dhaawac siduu xaalkiisu yahay .

Haweeneeyda uu Ahmed Godane qabo oo lagu magacaabo Muna Abdirahman Baraawe kuna nool Magaalada Sharjah ee dalka isu taga imaaraat-ka Carabta waxay qaraabadeeda u sheegtay inay soo waceen dad u sheegay in ninkeeda la dilay.

Muna waxay meesha ka saartay sheekada ku saabsan inay ilaaladiisa dishay Godane waxayna tiri "ANIGA WAXAAN MAQLAY IN DUQEYN LAGU DILAY,SIDAAS AYEY II SHEEGEEN DHALINYARADII I SOO WACDAY" Dadkii goob jooga ahaa markii Godane loola cararey isbitaalka ayaa xaaladiisa ku sifeeyay mid meyd aheyd ama dhaawac liitaa uu gaaray.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka degaanada calbari
Developed by Jago Desain