Baargaal Secondary school oo caaway ka Adkaaday dusiga sare ee Alwaaxa oo kmid ah dugsiyada hormuudka ka ah waxbarashada Puntland

Baargaal Secondary school ee Degmada Baargaal Gobolka Gardafuu oo caaway wacdaro ka dhigay tartanka waxbarashada dugsiyada sare ee Gobolada Puntland ee laga daadihiyo Radio Daljir ee Tartan iyo tacliin ayagoo kaga adkaaday iskoolka alwaaxa ee Garoowe ee Gobolka Nugaal oo kamid ah iskoolada hormuudka u ah waxbarashada Puntland horayna u soo qaaday tartanka.

labada Dugsi ayaa muujiyay dadaal dheer iyo xamaasad ayadoo uu tartankaasi ku soo dhamaaday Baargaal Socondary School oo helay 10 darajo oo 2 kamid ahi ahaayeen ka faa'iidaysi ,iyo dugsiga sare ee AlWAAXA oo keenay 6 darajo oo kaliya sidaasina guusha u raacday dugsiga Sare ee Baargaal oo hada loo bixiyay ( Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen)

Hambalyo dhamaan Ardayda Dugsiga Sare ee Baargaal iyo Bulshada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu oo caaway xiisaynaysay waa ifafaalo fiican iyo Guul isoo hoyatay waxbarashada Baargaal , gaar ahaan gudiga waxbarashada oo kusoo mintiday sidii iskuulkaasi u gaari lahaa heerkaas waxbarsho

Hambalyo.... Hambalyo....Hambalyo

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain