Posts

Deg Deg:-Kooxo Hubeysan oo Goordhow Muqdisho Kudilay Gudoomiyihii Isboortiga ee Degmada Boondheere

Kooxo Hubeeysan ayaa Goordhowa Toogtay Gudoomiyihii Isboortiga ee Degmada Boondheere ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Jaamac Habarwaay kaas oo lagu Dilay inta u dhaxeeysa Degmooyinka Boondheere iyo warta-nabad.

Dilka ayaa la sheegay in ay Geeyseen Kooxo Bastoolado ku Hubeeysnaa kuwaas oo Dilka ka dib goobta ka baxsaday.Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuun Maxamed Jaamac dhowr jeer loogu hanjabay in uu joojiyo Koob ka soconayey Bishaan Ramadaan Degmada Boondheer taas oo uu ka dhaga Adeegay loona Sababeenayo Dilkiisa Arintaas.

mid kamid ah Dadka ka ag dhawaa halka uu dilka ka dhacay islamarkaana soo qaaday Meydka Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dilka ay Geeysteen rag hubeeysan oo aan la garaneeyn.

Bishaan Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa ka dhacay Dilalkii ugu badnaa oo loogeeystay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dad Shacab ah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain