Gabdho Soomaali ah Oo Ku Biiray Kooxda ISIS Ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo suuriya

Laba gabdhood oo soomaali ah Mataanona ah, ayaa Habeenkii xalay laga waayey Hoygii ay ka deggenayeen Magaalada Manchester ee Carriga Ingiriiska.

Labadan hablood ayaa la sheegay inay isla xalayba diyaarad ka soo raaceen dalka ingiriiska, iyadoo ujeeddadooda lagu sheegay inay ku biirayaan kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa Dalalka Syria iyo Ciraaq. Gabdhahan 16-sano jirka ah ayaa Qoyskooda kula noolaa magaaladda Manchester, waxaana la sheegay inay u duuleen dhanka Turkiye oo ay ka sii aadayaan dalka Syria.

Gabdhahan oo asal ahaan Somalia ka soo jeeda laakiin heysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa xalay 8am laga waayay Gurigii ay ku noolaayeen, waxana ay dibadda keeneen warwar hor leh oo la xiriira in kooxda ISIS dhawaaqoodu meel sare gaaray.

Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan arintan ayna ogaan doonaan sida Tikidhada loogu iibiyay Gabdhahan.

Wargeyska the sun ayaa laga soo xiganayaa in gabdhahan ay duulimaad toos ah ugu safreen dalka Syria ,waxaana la'aamisanyahay in walaalkood oo ka weynaa uu ka mid yahay kooxda Dacish ee dalalka Syria iyo Iraq ka dagaalanta

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain