HAMBALYO: Xaafada Sandhuubo Baargaal oo Finalka barnaamajka kadiska aqoonta SBC usoo gudubtay

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka 2-aad matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii ugu horaysay u gudubtay final-ka ama wareega kama danbaysta ah ee tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada Golis Baran.

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyoGolis Baran ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho
ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada sandhuubo Baargaal oo la timid 6 Dhibic halka xaafada kale ee Golis Baranay la timid 4 dhibcood oo kaliya guushiina ku raacday
Xaafada Sandhuubo Baargaal oo noqotay xaafadii ugu horaysay ee xaafadaha Puntland ee sanadka ka qaybgalaaya tartanka ee usoo gudubta wareega ugu danbeeya ee barnaamajka

Hambalyo ,Hambalyo Waa guul usoo hoyatay Bahda waxbarashada Degmada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu ..hambalyo dhamaan gudiyadii dhalinyarada ee hawshaas ka qayb qaatay iyo dhalinyarada xaafada
Sandhuubo baargaal....hambalyo.... hambalyo....hambalyo


Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee usoo gudbay wareega
ugu danbeeya barnaamajka

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain