hay’ada DAI oo Maamulka iyo Bulshada Baargaal Ku wareejisay qaybtii 2-aad ee mashaariicdii Hayada USAID ugu deeqday Degmada (Sawiro)

hay'ada DAI ayaa Maamulka iyo Bulshada Degmada Baargaal ku wareejisay Dhismayaal iyo mashaariic kala duwan oo wax ka taraya adeegyada Bulshada kuwaas oo ay maal gelisay hay'ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID isla markaana ay fulisay hay'ada DAI.

Munaasabad loo sameeyay wareejinta iyo Furitaanka dhismayaasha cusub iyo mashaariic kaloo kala duwan oo lagu qabtay xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Degmada ,Nabadoono , ururka Hooyooyina , Ururka Dhaliyarada , ganacsato , Culamaaudiin iyo masuuliyiin ka socday hay'ada DIA, iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiin badan oo munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay'ada DAI wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaarsiisay Bulshada Deegaanka , ayagoo tilmaamay in hawlahan ay hay'ada DAI ka wado
deegaanka ay wax badan ka caawin doonaan Bulshada Deegaanka dhinacyada
aminiga , waxbarashada iyo caafimaadka.



Qaybta 2 aad ee mashaariicda Hay'ada DAI Ku wareejisay maamulka iy Bulshada Baargaal ayaa waxay kala yihiin
dhisme Cusub Gurig hooyooyinka oo lagu wareejiyay ururka hooyooyinka.
Dhisme cusub ee suuq iyo gawaan oo lagu wareejiyay Dawlada Hoose.
Dayactir dhismihi iskaashatada kaluumaysiga oo lagu wareejiyay ururka kaluumaysiga.
dayactir cusbataalkii hore iyo gaari gurmadka Degdega ah (ambulance) oo lagu wareejiyay gudoonka caafimaadka Degmada.
Baraf Dhaliye 3 Ton ah oo lagu wareejiya Ururka iskaashatada kaluumaysatada.
faarada qoryaha iyo alwaaxda iyo tornada Biraha lagu qoro oo lagu wareejiya ururka iskaashatada kaluumaysatada.
iyo dhismayaal 2 iskuul iyo labo xarun oo caafimaad ah (MCH) oo lagu wareejiyay bulshada Muudiye iyo Taageer.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain