Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay gudoomiyaha gobolka Gardafuu iyo ku xigeenkiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo numberkeedu yahay Lr 100 oo ku taariikhaysan19 bisha july 2014 ayaa loogu magacaabay Cabdi Qaadir Yuusuf Maxamuud (iidii) Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo bedelaya gudoomiyihii hore ee gobolka Gardafuu Cali Mire.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudoomiye ku xigeenka gobolka Gardafu u magacaabay Axmed Cali Jaamac.
maamulka iyo shaqaalaha shabakada Baargaal.net waxay u hambalyaynaayaan gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa waxayna Ilaahay uga baryaayaan inay xilalkaas ay ummadda u qabteen inuu ilaah ku garab galo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain