War Deg Deg ah: Xildhibaan Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame ayaa lagu soo waramayaa in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen xilli ay mareysay agagaarka Tareebiyaano, kuwaasi oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Wararka horudhaca ah ee aynu helayno waxa ay sheegayaan in Marxuum Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo qofka kale oo ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka ayaa la tilmaamay in lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen, iyadoo isla goobta ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Saraakiisha ciidamada amniga oo gaaray goobta ayaa halkaasi ka bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Wixii soo kordha naga filo
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal- puntland
Developed by Jago Desain