Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka jawaab celiyay warqad uga timi Abuukar Cawaale Qaad-Diid

Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid oo hadda usoo qalab qaatay dhanka Puntland ayaa maalinkii shalay warbaahinta qaroolka waxa uu ku baahiyay warqad furan oo si toos ah uga socoto wasiirka waxbarashadda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo hadda ku sugan magalada Garowe.

Warqadan ayaa ahayd mid wasiirka iyo guud ahaaba wasaradiisa looga codsanayo in waxbarashada lagu daro wacyi galinta qaadka si loo diyaarsho mustaqbalka jiilka danbe ee dalka u haraya loogana bad baadiyo masiibooyinka xun xun ee uu qaadka reebo.

Wasiirka waxbarashadda Puntland Cali Xaaji Warsame oo la dhacsan fariinta Mudane Qaaddiid ayaa si quman uga jawaabay wuxuna kolka hore ku ammaanay sida uu ugu heelan yahay in guud ahaanba Qaadka laga joojiyo wadanka oo dhibaatooyin faro badan uu ku hayo marka laga tago faa'idada yar ee ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan.

Jawaabta uu Cali Xaaji ka bixiyay dhambaalka uga yimi Abukar Cawaale oo London jooga ayaa u dhacday sida tan.

Mudane Abuukar Cawaale
Marka hore Assalama caleykum iyo Ramadaan Kareem. Marka la baad ku mahadsanid qoraalkan ama warqadan furan ee aad aniga iyo dhammaan inta daneysa qoraaladdada iyo dadaalkaagaba la wadaagtey.

Dhibaatada aad in badan ka hadashey oo Qaadku leeyahay baa ka dhigtey arrin ka weyn qof iyo koox oo u baahan dadaal iyo dagaal loo dhan yahay. Aafooyinka maanta haysta jiilka soo koraya ee Puntland iyo Somalia guud ahaanba waxaa ugu daran Tahriibka, shaqo iyo xirfad la'aanta, iyo rajo xumidda mustaqbalkooda haddii aan maanta xil la iska saarin sidii mustaqbal wacan loogu diyaarin lahaa lafdhabartii ummadda hadda iyo mustaqbal oo dhallinyaradda ah.

Sidaas si le'eg waa in aan ku sii talo galnaa arrimaha ka hor iman kara dhallinyaradda oo mustaqbalkooda baabi'in kara sida Qaadka. Waa kula qabaa in loo baahan yahay in hadda laga sii gaashaanto loona diyaargaroobo sidii Qaadka looga ilaalin lahaa jiilka soo koraya,
waana sida loo yiraahdo PREVENTION IS BETTER THAN CURE oo ah ka hortagga cudurka baa ka mudan daaweyntiisa.

Diyaar baan u nahey Wasaarad ahaan in aan ka qeybqaadano dadaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Qaadka, diyaar baanan kuu nahey in aan iska kaashano arrintaas, kana faa'iideysano khibradaada dhinaca la dagaalanka Qaadka. Waa kuugu hambalyeynaa guusha aad ka soo hoyisay waddanka UK, waana tajrubo iyo tusaale dhaxalgal ah, innagoo go in Qaadkii laga joojiyey UK loo soo wareejin doono Somalia, weliba isagoo sidii hore ka jab an ama (raqiis ka ah), taasina waa khatar cusub oo sidaad sheegtay xataa saameyn degdeg ah yeelan doonta.

Marka aan isugu tagno dhammaan sidaan isaga kaashan laheyn ka badbaadinta jiilka soo koraya musiibadda Qaadka, aad baad mar kale ugu mahadsan tahay baraarujintaada.


Cali Xaaji Warsame -Wasiirka Waxbarashadda Puntland
Developed by Jago Desain