Xaafada Bilkhayr Xaabo oo Ka badisay Xaafada Horseed ee Baran tartanka Aqoonta ee SBC international

Caawa Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee sanadkan ka qeyb galaya.

Labada Xaafadood ee fooda isdaray caawa ayaa ka kala dhisnaa Magaalooyinka Xaabo ee Degmada Caluula iyo baran , waxayna kala ahaayeen Bilkheyr Xaabo Vs Horseed Baran.

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah. Gudiga Tartanka iyo labada
xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Bilkheyr Xaabo ee degmada Caluula oo la timid 10 Dhibic,halka Horseed Baran ay la timid 6 dhibic oo keliya.

waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada Xaabo ka dhisan ee Bilkheyr.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain